JavaScript is required
Teenager using 3D immersive headgear.

Is barbar dhig VCE, VCE-da Farsamada Gacanta iyo Shahaadada Wadooyinka Victoria (Compare the Options) - Soomaali (Somali)

Fahan kala duwanaanshaha iyo faa'iidooyinka sannad kasta ee 11aad iyo 12aad oo xalka waxbarasho ee Victoria.

Waxaa jira 3 siyaabood oo wax lagu barto Sannadka 11 iyo 12 ee Victoria

La wadaag boggan WhatsApp

Is barbar dhig fursadaha dariiqa waxbarasho

VCE
Xirfadaha Sare VCE (VCE Vocational Major VCE VM)Wadooyinka Shahaadada Victoria (Victorian Pathways Certificate - VPC)
Xulasho aad u fiican haddii…Xulasho aad u fiican haddii…Ay tahay talada dugsiga kaliya iyo doorasho weyn haddii…

aad doorbideyso inaad wax ku barato fasalka

aad doorbideyso inaad wax ku barato aduunka dhabta ah iyo fasalka

aad doorbideyso inaad wax ku barato aduunka dhabta ah iyo fasalka

aad ujeedooyinkaaga ugu baahan tahay ATAR

ujeedooyinkaaga uguma baahnid ATAR

ujeedooyinkaaga uguma baahnid ATAR

waxaad rabtaa inaad kobciso kalsoonida waxbarashada tacliinta

waxaad rabtaa inaad kobciso kalsoonida goobta shaqada

waxaad rabtaa inaad kobciso kalsoonida xirfadaha la taaban karo

waxaad rabtaa inaad jaamacad codsato isla markii aad dhameyso sanadka 12 aad

waxaad rabtaa inaad ka dhigato TAFE, tababar shaqo, tababar ama shaqo waqti-buuxa isla markii aad dhameyso Sanadka 12, ama aad codsato jaamacad ka dib wakhtiga tababarka ama shaqada

waxaad doonaysaa inaad dhamaystirto VCE-da, heerka gelitaanka VET ama aad bilowdo shaqo waqti-buuxa ah markaad ka baxdo Sannadka 12aad

waxaad diyaar u tahay inaad samayso VCE-da

waxaad diyaar u tahay inaad samayso VCE-da

waxaad u baahan tahay dabacsanaan si aad u dhameyso Sanadka 11 iyo 12

Wax badan oo ku saabsan VCE

Wax badan oo ku saabsan VCE VM

Wax badan oo ku saabsan VPC

Machadyada intooda badani waxay siiyaan codsadayaasha qorshooyin gelitaan oo bedel ah sida folio ama codsiyada waraysiga ee koorsooyinka jaamacadeed ee la xusho, ama koorsooyin aan shahaado ahayn sida daraasaadka aasaasiga ah, koorsada diyaarinta, ama shahaado, diblooma, ama koorsada shahaado laxidhiidha.

Tababarka waxbarashada farsamada gacanta (VET)

VET waa barashada qeybo gaar ah halkaas oo aad ku baran karto xirfado wax ku ool ah. Waxaa lagu dari karaa iyada oo qayb ka ah VCE-gaaga, VCE VM ama VPC-gaaga.

Updated