JavaScript is required

Istaraatiijiyada looga hortagayo cunsuriyadda ee Victoria 2024 ilaa 2029 (Victoria’s anti-racism strategy 2024-2029) - Soomaali (Somali)

Istaraatiijiyada dowlada ee ka dhanka ah cunsuriyadda ee ugu horraysa waa qorshe 5 sano ah oo lagu joojinayo cunsuriyadda iyo takoorka gobolka Victoria.

Victoria's anti-racism strategy in Somali
PDF 1.13 MB
(opens in a new window)

Markaan si wadajir ah u shaqeyno, waxaan dhisi karnaa Victoria cadaalad, iyo amni leh oo uu qof walbaa dareemayo inuu qeyb ka yahay bulshada.

Waa maxay cunsuriyad?

Cunsuriyadu waa nooc ka mid ah takoorka taas oo dadka loola dhaqmo si aan caddaalad ahayn sababo la xiriira midabkooda ama isirkooda. Waxaa ka mid ah aflagaado, kala saarid ama in aan qofka la siin fursad la mid ah tan dadka kale ay heleen.

Cunsurinimada waxay usoo shaac bixi kartaa siyaaba badan. Istaraatiijiyadani waxay diiradda saaraysaa sidii wax looga qaban lahaa cunsuriyadda ka dhex jirta:

  • bulshada
  • ururada iyo hay'adaha
  • sharciyada, siyaasadaha iyo nidaamyada.

Aragtideena

In la helo Victoria xor ka ah midab-takoorka iyo cunsuriyada, oo ay dhamaan dadka reer Victoria helayaan xuquuq siman, xorriyad iyo in la xaq-dhowro, ayna ku dhex kobcaan bulsho amni leh, caafimaad qabta isla markaasna is taageerta.

Istaraatiijiyadu waxay leedahay 4 hadaf oo lagu dhimayo midab-takoorka iyo cunsuriyada Victoria:

  • Hadafka Koowaad: dabeecadaha, dhaqamada iyo caqiidooyinka cunsuriyadda in la ogaado, laga hortago isla markaasna la diido.
  • Hadafka Labaad: Adeegyada dawladda iyo goobaha shaqadu waa inay noqdaan meelo ammaan ah, oo loo wada siman yahay isla mar ahaantaasna aan wax takoor ah kajirin.
  • Hadafka Saddexaad: Cunsuriyada iyo takoorku inaysan caqabad kusii ahaan ka-qaybgelida, horumarka, badbaadada iyo guulaha dhamaan qaybaha nolosha oo dhan.
  • Hadafka Afaraad: Dadka lagu sameeyo midab-takoorka waxay heli doonaan adeegyo iyo taageerooyin dhaqan ahaan badbaado leh.

Sidii aan ku gaari laheen aragtideena

Istaraatiijiyadda looga hortagayo cunsuriyadda waxay:

  • soo bandhigi doontaa olole gobolka oo dhan laga dhaqangelinayo si wax looga qabto cunsuriyadda ka jirta isboortiga bulshada
  • taageerida ficilka ay bulshadu hogaamiso si looga hortago cunsuriyadda heerka deegaanka
  • xoojin doontaa xaq-dhowrka iyo sharciyada ka dhanka ah hadalada iyo dhaqanka nacaybka leh
  • hormarin doontaa habka ay ururada kormeera cabashooyinka uga falceliyaan warbixinnada cunsuriyadda
  • yareyn doontaa midab-takoorka iyo cunsuriyada dhanka booliiska
  • hagaajin doontaa sida milkiilayaasha loo shaqeeyo iyo ururadu uga hortagaan ugana jawaabaan cunsuriyadda
  • taageeri doontaa shabakadaha taageerada cunsuriyadda deegaanka ee loogu talagalay dadka la kulmay cunsuriyadda.

Waxaan cabbiri doonaa saamaynta istaraatiijiyadu ku leedahay dhimista cunsuriyadda isla mar ahaantaasna waxaan bulshada la wadaagi doonaa horumarkayaga.

Waa maxay sababta aan ugu baahanahay istaraatiijiyadaan

Waxaan nahay dad kala duwan

  • 30% dadka Victoria ku nool waxay ku dhasheen dalka dibadiisa
  • 8% dadka ka soo jeeda Qowmiyadihii ugu Horeeyay ee Australia waxay ku nool yihiin Victoria
  • Dadka reer Victoria waxay kasoo kala jeedaan in ka badan 300 oo abtirsiinyo kala duwan, waxayna ku hadlaan 290 luqadood iyo lahjado, waxayna ku dhaqmaan ku dhawaad 200 oo diimo kala duwan ah

Cunsurinimada waa dhibaato wali taagan

  • Sannadkii 2022, 3 ka mid ah 5tii Qof ee ah Qowmiyadihii ugu Horeeyay (60%) ayaa sheegay inay la kulmaan cunsurinimo ka jirta gudaha Australia
  • Sannadkii 2023, 1 qof oo ka mid ah 5tii qof (18%) ayaa sheegay inay la kulmeen cunsurinimo ka jirta gudaha Australia
  • 3 ka mid ah 5-tii qof ee Australiyaan ah (63%) ayaa ka qaba aragti togan soogalootiga ka yimid Aasiya, Afrika ama Bariga Dhexe ama aaminsan in diinta aan Masiixiga ahayn ay ka qabaan aragtiyo aan wanaagsaneyn.
  • 3 ka mid ah 5-tii qof ee Australiyaan ah (62%) waxay cunsuriyadda u arkaan dhibaato 'aad u weyn'

Xog badan oo aan lahayn iyo kalsooni badan oo aysan bulshadu ku qabin adeegyada waxay ka dhigan tahay in cunsuriyada aan markasta lasoo sheegin.

Dadka\ aan la hadalnay

Waxaan waraysanay in ka badan 670 qof oo reer Victoia ah kuwaas oo ka soo jeeda Qowmiyada Koowaad, bulshooyinka dhaqamada iyo bulshooyinka leh diimaha kala duwan. Kuwaas waxaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada, khubarada iyo shaqaalaha safka hore.

In la soo sheego cunsuriyadda ka jirta Victoria

Maaha in loo dulqaato cunsuriyadda. Haddii aad la kulanto ama aad marqaati ka noqoto cunsuriyad ama takoor ka dhacay Victoria, waad soo sheegi kartaa.

Fursadaha Loo Siman Yahay ee Victoria iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka (Victorian Equal Opportunity and Human Rights Commission)

Wac 1300 292 153 maalmaha shaqada laga bilaabo 10-ka subaxnimo ilaa 2-da galabnimo. Haddii aad u baahan tahay turjubaan lacag la'aan ah, wac 1300 152 494.

Iimayl kusoo direnquiries@veohrc.vic.gov.au

Si qarsoodi ah ama aan toos ahayn ayaad wax kasta u soo sheegi kartaa

La xidhiid Adeegga Gudbinta Qaranka (National Relay Service)haddii aad tahay dhegoole, qof maqalku ku adag yahay ama hadalku dhibayo.

Booliiska Victoria

Wixii xaalad degdeg ah, si aad usoo sheegto fal-dambiyeed markaas dhacaya, ama aad doonayso in booliisku si degdeg ah usoo gaaraan goobta, wac lambarka Saddexda Ebar (000).

Wixii aan degdeg ahayn, wac Khadka Caawimada Booliiska 131 444 ama wac 131 450 si aad u hesho turjubaan lacag la'aan ah.

Waxaad warbixin ka samayn kartaa saldhiga booliiska deegaankaagaama internetka.

Waxaad si qarsoodi ah xogta ula soo wadaagi kartaaDembi-joojiyayaasha (Crime Stoppers) adoo soo wacaya 1800 333 000.

Si aad u hesho taageero dheeraad ah iyo siyaabo kala duwan oo aad warbixinta noogu soo gudbin karto, fadlan booqoxeeladda ka-hortagga cunsuriyadda ee Victoria.

Macluumaad dheeraad ah

Waxaad ka heli kartaa istaraatajiyada oo dhan oo Ingiriis ku qoran ama qoraalkan kooban oo luqado kale ku qoranonline.

Waxaad sidoo kale kawici kartaa Adeegga Fasiraada iyo Turjumaada (Translating and Interpreting Service - TIS) 131 450 kawac Waaxda Madax-Goboleedka (Premier) iyo Golaha 03 9651 5111 wixii macluumaad dheeraad ah.

Waxaad iimayl ugu diri kartaa Waaxda Madax-Goboleedka (Premier) iyo Golahaantiracism.strategy@dpc.vic.gov.au

Updated