JavaScript is required

Qalabka Xanaanada (Kinder Kits) - Soomaali (Somali)

Ilmo kasta oo ka diiwaangashan barnaamijka Kindergarten-ka Saddex-sano jirka loogu talagalay ee la maalgeliyay ee 2025 wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Qalabka Xannaanada.

Hage loogu talagalay Qoysaska

Title page on purple background with illustration of two children playing, text  displayed is Guide for Families.

Ku saabsan Qalabkaaga Xanaanada

Ciyaartu waa wax xiiso leh oo aad la sameyn karto si markaas ay u taageerto waxbarashada iyo horumarka ilmahaaga. Waalidiinta, daryeelayaasha iyo qoysaska ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan kara safarkaas.

Qalabka Xanaanada waxaa ka buuxa buugaag, alaabo waxbarasho oo lagu ciyaaro iyo waxqabadyo loo sameeyay ilmahaaga iyo qoyskaaga si ay ugu baashaalaan markay guriga joogaan.

Xirmo kasta oo ah qalabka xanaanada waxaa ku jira waxyaabo si gaar ah loogu sameeyay carruurta saddex jirrada ah.

Illustration of three children playing. One is reading a book, one is colouring in, one is holding animal finger puppets.

Barashada Sanadaha Hore ee Victoria iyo Qaab-dhismeedka Horumarinta

Macalimiinta ilmanimada hore iyo barayaashu waxay ka caawiyaan ilmahaaga inuu koro oo waxbarto.

Barnaamijyada Xanaanadu waxay adeegsadaan Qaabdhismeedka Waxbarashada Sanadaha Hore ee Victoria (Victorian Early Years Learning and Development Framework - VEYLDF).

Wax kasta oo ku jira xirmadaada xannaanada waxay ku xidhmaan 1 ama in ka badan oo ah natiijooyinka waxbarashada iyo horumarka ee VEYLDF:

  • Aqoonsiga
  • Barashada
  • Bulshada
  • Wadahadalka
  • Badqabka

Boorsada dhabarka

Boorsooyinka dhabarka ee qalabka carruurta waxaa la isticmaali karaa maalin kasta.

Ilmahaagu waxa uu ku celcelin karaa waxyaabaha ay ku sawirayaan summada kartoonada ee xagga dambe, si ay u ogaadaan bacda ay leeyihiin.

Kalafur boorsada dhabarka oo ku xir guluuska Velcro. U isticmaal dusha sare ee la dareemay ciyaar khayaali ah.

  • Dhuuji ama debci xargaha dhabarka si ay bacdu ugu fadhiisato ilmahaaga dhabarkooda.
  • Samee beer leh dhejisyada la dareemay.
  • Ku dhiiri geli inaad ku sawirto calaamada magaca loogu talagalay.
  • Ku celceli xirfadaha la sameeyo qoritaanka kahor.

Akhriska

Wax-akhrisku waa hab fiican oo aad qoys ahaan waqti ku wada qaadan kartaan. Waa mid ka mid ah siyaabaha ugu muhiimsan ee kor loogu qaadi karo waxbarashada.

Inaad si joogto ah ilmahaaga ula yeelato waqti aad kula wadaagto sheeko-aqris waxay kaa caawin doontaa kobcinta fikradooda iyo eray-bixintooda.

  • Wadajir iu doorta buug.
  • Raadsada meel jawi degan oo aad wax ku aqrin karto.
  • Sii fursad ay ku soo bandhigaan fikradahooda ku saabsan waxa soo socda ee sheekada aad u akhrinayso ah.
  • Isticmaal codad kala duwan.

Sawiritaanka iyo wax calaameynta

Sawirista iyo wax calaameynta waxay u oggolaanaysaa carruurta inay si halabuur leh u cabbiraan fikirkooda. Adigoo u ogolaanaya inay isticmaalaan qalimada midabka leh iyo waraaq, carruurta:

  • ku da'daal inay si wanaagsan u isticmaali karaan xubnaha jirkooda, taas oo muhiim u ah inay bartaan sida wax loo qoro
  • hormari gacmahooda iyo indhahooda sida ay isula shaqeeyaan
  • baro midabada, qaababka, calaamadaha iyo khadadka
  • muuji hal-abuurnimo
  • la hadal dadka kale.

  • Ku dhiiri geli ilmahaaga inuu ku raaxaysto habka sawirka. Inay wax sawiraan waxay ka caawinaysaa inay dhisaan kalsoonidooda.
  • U sheekee adoo wax sawirida ku mashquulsan.
  • La soco midabada iyo qaababka oo u kala sheeg.

Xarakaadka hal abuurka leh

Ciyaaraha hal abuurka leh waxay kicisaa dhammaan 5ta dareen ee ilmahaaga - aragga, urta, maqalka, taabashada iyo dhadhanka. Waa hab madadaalo leh oo lagu sahamiyo, lagu ogaado laguna barto adduunka nagu hareereysan.

  • Ku dhiiri geli ku celcelinta adkeysiga markaad isku xirxireyso ama isku dhajinayso waxbaayaha (blocks) laisku dhejiyo. Haddii ay dhacaan, ilmahaagu 3 jeer si qoto dheer ha u neefsado kabacdina markale haisku dayo.
  • Isku day inaad cajiinka ka sameyso kubbad, qaabab kala duwan ka samee, kala bixi, isku majuuji.
  • Wadajir isu sameeya muusig. Samee laxan iyo garaacyo kala duwan adiga oo sacab tumaya ama taabanaya alaabaha guriga kuu yaal.

Ciyaarta bannaanka

Ciyaarta bannaanka ee la kormeero waa qayb weyn oo ka mid ah korriinka, horumarka iyo fayoobaanta ilmahaaga.

Carruurtu waxay awoodaan:

  • inay sahmiyaan isla markaasna kobciyaan xidhiidhka sayniska adoo wax ka baranaya abuurista alle
  • inay helaan dareen xorriyad
  • inay qaab bulsheysan ula falgalaan carruurta kale
  • sahmi oo baro sida loo sameeyo xulashooyin wanaagsan marka la ciyaarayo
  • kobci dhaqdhaqaaqa jirka oo dhan, gacmaha iyo indhaha sida ay u wada shaqeeyaan iyo xirfadaha dhaqdhaqaaqa jirka iyo hal abuurrista.

  • Ka hadal caleemaha geedaha oo magacow midabada iyo qaababka kala duwan.
  • Isla abuura geedo.
  • Xiriir la yeesha abuurista alle ee kala duwan. Ka hadal sida looga taxadaro meelaha aan ku noolnahay.
  • Guri laga sameeyay carro in la dhiso.

Ciyaar riwaayadeed

Ciyaarta riwaayaddu waxay ku dhiirigelisaa carruurta inay jilaan sheekooyin khiyaali ah oo ay qaataan doorarka jilayaasha kale.

Carruurtu waxay isticmaalaan ciyaar riwaayadeed si ay ugu celceliyaan luqadda iyo xirfadaha bulshada muhiimka u ah, oo ay ku jiraan:

  • sahaminta iyo abuurista adduunyo cusub
  • in wax la isla wadaago oo qofba qofka kale uu tookadiisa wax ka sugo
  • qaababka laisku dhexgalo isla markaasna wadaxaajoodka loo sameeyo.

  • Ku sheeg xayawaanka luuqada Ingiriiska iyo luqado kale.
  • Samee jilayaal.
  • Samee sheekooyin.
  • Isticmaal boombale u eg dad si aad u sahamiso una muujiso dareenka iyo shucuurta kala duwan.

Ciyaaraha

In lala ciyaaro qoyska iyo asxaabta waa hab fiican oo lagu dhiso xirfadaha bulsho ee ilmahaaga.

Ciyaaruhu waxay ka caawin karaan carruurta inay bartaan tirada, luqadda iyo xirfadaha xalinta dhibaatooyinka.

  • Baro qawaaniinta ciyaarta oo isku day inaad sugto meertadaada.
  • Ku tababaro xallinta mashaakilaadka iyo xirfadaha xusuusta.
  • Kawada hadla tirooyinka oo isku day inaad tirisaan waxyaabaha.

Dhisida bulsho

Ciyaartu waa sida ay carruurtu u ogaadaan oo u bartaan naftooda iyo adduunka ku xeeran. Carruurta, cayaarta iyo barashadu waa is dhinac socdaan. Alaabta ku jirta Xirmadaada Xanaanada waxay kaa caawimaysaa inaad yeelato wada hadal ku saabsan kala duwanaanshiyaha iyo dhaqamada kala duwan.

  • Kala hadal ilmahaaga waxyaabaha ku saabsan wadamada kale iyo xayawaanada wadamadaas ku nool.
  • Fiiri khariidadda adduunka si aad u aragto halka ay ka soo jeedaan luqadaha kala duwan.

In la ixtiraamo aqoonsiga/dhaqanka

In lagu dhiirigeliyo carruurta inay wax ka bartaan dhammaan dhaqamada waxay dhistaa faham, aqbalaad iyo kalsooni. Dhaqamada Aborijiniska iyo Torres Strait Islander, iyo kuwa halkan Victoria, dhaqamada Koorie, ayaa maanta nool oo kobcaya. Waxaan ku faraxsan nahay inaan u dabaaldegno qorayaasha iyo farshaxamiistayaasha ku jira xirmada. Waa kuwan qaar ka mid ah waxqabadyada ka caawinaya ilmahaaga inuu wax badan ka barto caadooyinka iyo dhaqamada Koorie:

  • Baro calaamadaha Koorie ee loo isticmaalo waxyaabaha kala duwan ama xayawaanka.
  • Baro oo ka hadal dhaqamada Koorie, hogaamiyayaashooda iyo geesiyaashooda.
  • Wax ka baro muhiimadda ay leedahay in dalka loo aqoonsado.

Website-ka Ururka Waxbarashada Aboriginal-ka ee Victoria waxaad ka heli kartaa madadaalo, hawlqabadyo sahaminaya caadooyinka iyo dhaqamada Koorie.

Buugaagta Auslan

Auslan waa luqadda dhegoolaha ee lagu isticmaalo Barnaamijka Luuqadda Carruurnimada Hore ee Victoria. Barnaamijkan waxa laga heli karaa qaar ka mid ah Xannaanada loogu talagalay afar jirrada.

Waxaa jira faa'iidooyin badan oo ay carruurtu ka heli karaan barashada luqad kale inta ay yaryihiin, waxaana ka mid ah:

  • xirfadaha aqrinta iyo qorida oo usii kordha
  • furfurnaanta garashada
  • inay kor u qaado kalsoonida iyo caafimaadka
  • aqoonsi dhaqan oo la xoojiyey.

Buugaag badan oo lagu daray Xirmada Xanaanada ee sanadka 2025 waxay lagu fasiray Auslan la heli karo.

  • Ku muuji dareenka Auslan.
  • Ku dheh helloow Auslan.

Badqabka iyo taageerada dheeraadka ah

Carruurta dhamaantood si kala duwan ayay wax u bartaan iyadoo uu midba awoodiisa inta ay la egtahay uu wax ku barto. Xirmada Xannaanada waxay siinaysaa ilmahaaga buugaag iyo alaabaha ay ku ciyaaraan oo wax lagu barto kuwaas oo loo isticmaali karo siyaabo badan oo kala duwan si uu midkasta awoodiisa ugu soo bandhigo.

Haddii adiga ama ilmahaagu aad u baahan tihiin taageero dheeraad ah, caawimo ayaa la heli karaa iyada oo loo marayo waddooyinka soo socda:

  • Macalimiinta ilmanimada hore waxay leeyihiin xirfado iyo aqoon ay ku caawiyaan. Kala hadal macalinka carruurnimada hore ee ilmahaaga wixii suaal ah ee aad qabto.
  • Samayso ballan si aad u aragto dhakhtarkaaga ama hooyada iyo ilmaha kalkaalisada caafimaadka si aad ugala hadasho su'aallahaaga.
  • Ka wac khadka waalidka (Parentline) 13 22 89 si aad u hesho la-talin iyo taageero lacag la'aan ah isla markaasna wax kasta ay yihiin sir.

Shaqooyinka Waxbarashada Carruurnimada Hore

Tixgeli inaad shaqo ka bilowdo xannaanada caruurta Victoria ee sii kobcaysa. Si lagaaga caawiyo inaad noqoto macalin caruurnimada hore ama qof wax bara, waxaa jira:

  • fursadaha waxbarasho oo siyaabo kala duwan loo sameyn karo
  • deeq waxbarasho
  • dhiirigelin dhaqaale.
Illustration of two children sitting on the floor playing with blocks while two adults talk, speech bubble from one adult with text


Ku deeqida Qalabkaaga Xanaanada

Marka ilmahaagu dhammeeyo agabkooda Xirmada Xannaanada ah, tixgeli inaad ugu deeqdo hay'ad samafal si qof kale uu u jeclaado oo uu u isticmaalo.

Markaad go'aansanayso haddii shay loo bixin karo sadaqo ahaan, si wanaagsan oo aad wax ku kala ogaan karto ayaa waxay noqonaysaa inaad is waydiiso: miyaan siin lahaa tan qof saaxiib ah? Hadday jawaabtu haa tahay, markaas waxaa habboon in la sadaqeysto.

Alaabaha muhiimka ah in la sadaqeysto waxay muhiim u tahay waaritaanka iyo la dagaallanka isbeddelka cimilada.

Illustration of two children adding kinder kit items to a donations box.

Updated